Wednesday, Jul 30th

Last update11:27:47 AM GMT

You are here: Home

WAR DEG DEG AH: Madaxweynaha cusub ee Ximan iyo Xeeb oo loo doortay C/lahi Cali Maxamed Kediye

User Rating: / 0
PoorBest 

Waxaa maanta magaalada Cadaado xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb kadhacday Doorasho xor ah oo sida lasheegay ay kutartamayeen ilaa saddex madaxweyne.

Doorashada madaxweyne oo loo balansanaa in ay dhacdo 10-ka bishaan ayaa dib loo dhigay. Balse maanta oo Khamiis ah ayay si toos ah u dhacday.

C/lahi Cali maxamed Kadiye (Baarleex) ayaa loo doortay xilka madaxweyne kadib markii uu helay codad gaaraya ilaa 20 cod.

Xildhibaanada codeynayay ayaa kakoobnaa 23 xildhibaan. Ximan iyo Xeeb waxaa markii hore madaxweyne u ahaa Maxamed Aadan Tiiceey oo hada xilka madaxweyne wareejin doona.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Ximan iyo Xeeb C/laahi Faarax Sandheere ayaa kudhawaaqay in madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb uu yahay Cabdullaahi Cali maxamed Kadiye (Baarleex).

Amaanka deegaanada Ximan iyo Xeeb uu kakooban yahay ayaa si weyn loo adkeeyay. Waxaa la adkeeyay dhamaan xuduudaha maamulka Ximan Xeeb uu laleeyahay maamulada kale.

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa kamid ah maamulada kadhisan dalka Soomaaliya sida maamulada Puntland, Somaliland, Galmudug, jubbaland iwm.

iiroon.com kalasoco Wararka, Ciyaaraha, Qosolka, Sheekooyinka iyo Bollywoodka

Add comment


Security code
Refresh

Meri Biwi Ka jawab
Meri Biwi Ka jawab
Yuva2 Afsomali
Yuva Af-somali
Share/Save/Bookmark